Ash-Sharh الشرح
8 verses · makkah
94:1
أَلَمۡ نَشۡرَحۡ لَكَ صَدۡرَكَ
Miyaanaan kuu waasicinnin (Nabi Muxammadow) laabtaada?
94:2
وَوَضَعۡنَا عَنكَ وِزۡرَكَ
Oo sidaa kaaga dejin culeyskii ku saarnaa,
94:3
ٱلَّذِيٓ أَنقَضَ ظَهۡرَكَ
Kaasoo cusleeyey dhabarkaaga,
94:4
وَرَفَعۡنَا لَكَ ذِكۡرَكَ
Oo aanaan kor yeelin meeqaankaaga?
94:5
فَإِنَّ مَعَ ٱلۡعُسۡرِ يُسۡرًا
Dhibka waxaa la socda faraj.
94:6
إِنَّ مَعَ ٱلۡعُسۡرِ يُسۡرٗا
Waxaa dhibka la socda faraj.
94:7
فَإِذَا فَرَغۡتَ فَٱنصَبۡ
Ee markaad bogto (salaadda) ku dadaal duceysiga (iyo Alle ammaanka iyo Xuskiis).
94:8
وَإِلَىٰ رَبِّكَ فَٱرۡغَب
Xagga Rabbigaa (keliyana) wax ka rajee.
Somali: Abdullah Hassan Yacoub · Quranic Universal Library (qul.tarteel.ai), Somali: Abdullah Hassan Yacoub