← Quran

At-Tin التين

8 verses · makkah

95:1
وَٱلتِّينِ وَٱلزَّيۡتُونِ

Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Tiinka iyo Zaytuunka.

95:2
وَطُورِ سِينِينَ

Iyo Buurta Siinaay96496>1.

95:3
وَهَٰذَا ٱلۡبَلَدِ ٱلۡأَمِينِ

Iyo magaaladan Aaminka ah (Makkah),

95:4
لَقَدۡ خَلَقۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ فِيٓ أَحۡسَنِ تَقۡوِيمٖ

Waxaan u abuurnay Aadmiga qaab kan u wanaagsan.

95:5
ثُمَّ رَدَدۡنَٰهُ أَسۡفَلَ سَٰفِلِينَ

Misna waxaan u celinnay hooseeyayaasha kan u hooseeya.

95:6
إِلَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ فَلَهُمۡ أَجۡرٌ غَيۡرُ مَمۡنُونٖ

Kuwase (Xaqa) rumeeya oo samaha fala, waxay leeyihiin jar aan weligi go’ynin (Janno).

95:7
فَمَا يُكَذِّبُكَ بَعۡدُ بِٱلدِّينِ

Maxaa kugu xamaabri (aadmigow) inaad beeniso arrinka is abaal marinta (Aakhiro)?

95:8
أَلَيۡسَ ٱللَّهُ بِأَحۡكَمِ ٱلۡحَٰكِمِينَ

Sow ma aha Alle Kan u wanaagsan inta wax xukunta? (Haayoo, wuu Yahay).

Somali: Abdullah Hassan Yacoub · Quranic Universal Library (qul.tarteel.ai), Somali: Abdullah Hassan Yacoub

Tafsir and word by word in the app