← Quran

Ad-Duhaa الضحى

11 verses · makkah

93:1
وَٱلضُّحَىٰ

Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Barqada.

93:2
وَٱلَّيۡلِ إِذَا سَجَىٰ

Iyo habeenka markuu xasilo (madoobaado).

93:3
مَا وَدَّعَكَ رَبُّكَ وَمَا قَلَىٰ

Rabbigaa kaama tagin (Nabi Muxammadow), mana uu kuu cadhoon.

93:4
وَلَلۡأٓخِرَةُ خَيۡرٞ لَّكَ مِنَ ٱلۡأُولَىٰ

Aakhiro baa kaaga khayr badan noloshatan (hore ee adduunka).

93:5
وَلَسَوۡفَ يُعۡطِيكَ رَبُّكَ فَتَرۡضَىٰٓ

Rabbigaa baa ku siin (khayr badan), waadna raalli noqon.

93:6
أَلَمۡ يَجِدۡكَ يَتِيمٗا فَـَٔاوَىٰ

Miyuusan ku helin adigoo agoon ah oo ku hoyaadin?

93:7
وَوَجَدَكَ ضَآلّٗا فَهَدَىٰ

Oo ku helin adigoo habowsan oo kuma hanuunin?

93:8
وَوَجَدَكَ عَآئِلٗا فَأَغۡنَىٰ

Oo ku helin adigoo caydh ah oo kuma hodmin?

93:9
فَأَمَّا ٱلۡيَتِيمَ فَلَا تَقۡهَرۡ

Ee agoon, ha dhibin.

93:10
وَأَمَّا ٱلسَّآئِلَ فَلَا تَنۡهَرۡ

Kan wax ku weydiistana, ha ku qeylin.

93:11
وَأَمَّا بِنِعۡمَةِ رَبِّكَ فَحَدِّثۡ

Nicmadda Rabbigaana (Islaamka, Towxiidka, Qur'aanka, Xaqa, caddee (oo ka mahad celi).

Somali: Abdullah Hassan Yacoub · Quranic Universal Library (qul.tarteel.ai), Somali: Abdullah Hassan Yacoub

Tafsir and word by word in the app