← Quran

Al-Layl الليل

21 verses · makkah

92:1
وَٱلَّيۡلِ إِذَا يَغۡشَىٰ

Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay habeenka markuu daboolo (waxa samada iyo arlada dhexdooda ah).

92:2
وَٱلنَّهَارِ إِذَا تَجَلَّىٰ

Iyo maalinta markay muuqato (ifto);

92:3
وَمَا خَلَقَ ٱلذَّكَرَ وَٱلۡأُنثَىٰٓ

Iyo abuurista labka iyo dheddigga.

92:4
إِنَّ سَعۡيَكُمۡ لَشَتَّىٰ

Camalkiinnu (dadow) waa kala duwan yahay.

92:5
فَأَمَّا مَنۡ أَعۡطَىٰ وَٱتَّقَىٰ

Ma kan bixiya (xuquuqda lagu leeyahay) oo iska jira (shirki iyo macaasi).

92:6
وَصَدَّقَ بِٱلۡحُسۡنَىٰ

Ee rumeeya tan wanaagga badan ee fiican (Jannada):

92:7
فَسَنُيَسِّرُهُۥ لِلۡيُسۡرَىٰ

Waxaan u fududeyneynaa jidka fudud (Islaamka).

92:8
وَأَمَّا مَنۢ بَخِلَ وَٱسۡتَغۡنَىٰ

Qofkiise ku bakheyla (maalka) oo isu arka mid deeqtoon (iskibriya).

92:9
وَكَذَّبَ بِٱلۡحُسۡنَىٰ

Oo beeniya tan wanaagga badan ee fiican (Jannada).

92:10
فَسَنُيَسِّرُهُۥ لِلۡعُسۡرَىٰ

Waxaan u fududeyneynaa jidka xun (dhabbaha Naarta);

92:11
وَمَا يُغۡنِي عَنۡهُ مَالُهُۥٓ إِذَا تَرَدَّىٰٓ

Maalkiisu wax uma taro markuu halaagsamo.

92:12
إِنَّ عَلَيۡنَا لَلۡهُدَىٰ

Annagaa (Alle ah) wax hanuuninna,

92:13
وَإِنَّ لَنَا لَلۡأٓخِرَةَ وَٱلۡأُولَىٰ

Oo Annagaa leh Aakhiro iyo adduunba.

92:14
فَأَنذَرۡتُكُمۡ نَارٗا تَلَظَّىٰ

Waxaan idiinka digayaa Naar ololeysa.

92:15
لَا يَصۡلَىٰهَآ إِلَّا ٱلۡأَشۡقَى

Uusan galaynin qof xun mooyaane.

92:16
ٱلَّذِي كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ

Ee (Xaqa) beeniya oo ka jeesada.

92:17
وَسَيُجَنَّبُهَا ٱلۡأَتۡقَى

Waxaa laga fogeyn (Naarta) kan (ka) dhowrsada (shirkiga iyo xumaha).

92:18
ٱلَّذِي يُؤۡتِي مَالَهُۥ يَتَزَكَّىٰ

Ee bixiya maalkiisa si uu isu daahiriyo.

92:19
وَمَا لِأَحَدٍ عِندَهُۥ مِن نِّعۡمَةٖ تُجۡزَىٰٓ

Isagoo uusan jirin cid ku leh abaal uu u gudayo.

92:20
إِلَّا ٱبۡتِغَآءَ وَجۡهِ رَبِّهِ ٱلۡأَعۡلَىٰ

Waxse u bixiya doonista Wejiga Rabbigi, ee Sarreeya.

92:21
وَلَسَوۡفَ يَرۡضَىٰ

Wuu raalli noqon doonaa qofkaasi.

Somali: Abdullah Hassan Yacoub · Quranic Universal Library (qul.tarteel.ai), Somali: Abdullah Hassan Yacoub

Tafsir and word by word in the app