← Quran

Ash-Shams الشمس

15 verses · makkah

91:1
وَٱلشَّمۡسِ وَضُحَىٰهَا

Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay qorraxda iyo caddaanta barqadeeda;

91:2
وَٱلۡقَمَرِ إِذَا تَلَىٰهَا

Iyo dayaxa markuu raaco (qorraxda).

91:3
وَٱلنَّهَارِ إِذَا جَلَّىٰهَا

Iyo maalinta markay muujiso (arlada) oo ifiso.

91:4
وَٱلَّيۡلِ إِذَا يَغۡشَىٰهَا

Iyo habeenka markuu daboolo arlada (oo madoobaado).

91:5
وَٱلسَّمَآءِ وَمَا بَنَىٰهَا

Iyo samada iyo siduu (Alle) u dhisay;

91:6
وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا طَحَىٰهَا

Iyo arlada iyo siduu (Alle) u fidshay,

91:7
وَنَفۡسٖ وَمَا سَوَّىٰهَا

Iyo nafta iyo siduu (Alle) u ekeeyey.

91:8
فَأَلۡهَمَهَا فُجُورَهَا وَتَقۡوَىٰهَا

Markaas kala garansiiyey xumaheeda iyo toosnideeda,

91:9
قَدۡ أَفۡلَحَ مَن زَكَّىٰهَا

Waxaa liibaani qofka (ka) daahiriya naftiisa (shirki iyo macaasi).

91:10
وَقَدۡ خَابَ مَن دَسَّىٰهَا

Waxaa khasaari qofka xumeeya naftiisa.

91:11
كَذَّبَتۡ ثَمُودُ بِطَغۡوَىٰهَآ

Thamuud waxay beeniyeen (Xaqa) kibirkoodii darti.

91:12
إِذِ ٱنۢبَعَثَ أَشۡقَىٰهَا

Markuu soo baxay koodii uga sharka badnaa (si uu hasha u dilo).

91:13
فَقَالَ لَهُمۡ رَسُولُ ٱللَّهِ نَاقَةَ ٱللَّهِ وَسُقۡيَٰهَا

Markaasuu Rasuulkii Alle (Nabi Saalix) ku yidhi : Iska daaya Hasha Ilaahay (ha dilana) oo siiya waraabkeeda.

91:14
فَكَذَّبُوهُ فَعَقَرُوهَا فَدَمۡدَمَ عَلَيۡهِمۡ رَبُّهُم بِذَنۢبِهِمۡ فَسَوَّىٰهَا

Wayse beeniyeen oo boqna gooyeen hashii (dileen). Markaasuu Rabbigood u baabbi’yey denbigoodii dartiis, oo dhulka la simay (ama ka wada simay ciqaabkii).

91:15
وَلَا يَخَافُ عُقۡبَٰهَا

Kama uuna cabsado cidhibteeda ( cidhibta kuwa uu halaagay oo wax loo soo raacdo ama looga daba yimaado, waayo waa Adkaadaha aan laga adkaan).

Somali: Abdullah Hassan Yacoub · Quranic Universal Library (qul.tarteel.ai), Somali: Abdullah Hassan Yacoub

Tafsir and word by word in the app