← Quran

At-Tariq الطارق

17 verses · makkah

86:1
وَٱلسَّمَآءِ وَٱلطَّارِقِ

Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay samada iyo Xiddigga guura.

86:2
وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا ٱلطَّارِقُ

Maxaa ku ogeysiiyey waxa uu xiddiga guura) yahay?

86:3
ٱلنَّجۡمُ ٱلثَّاقِبُ

Waa xiddiggaa iftiinka badan.

86:4
إِن كُلُّ نَفۡسٖ لَّمَّا عَلَيۡهَا حَافِظٞ

Ma jirto naf aanu kor joogin ilaaliye (malag).

86:5
فَلۡيَنظُرِ ٱلۡإِنسَٰنُ مِمَّ خُلِقَ

Ee ha fiiriyo qofka waxa laga abuuray.

86:6
خُلِقَ مِن مَّآءٖ دَافِقٖ

Waxaa laga abuuray biyo horay u soo booda.

86:7
يَخۡرُجُ مِنۢ بَيۡنِ ٱلصُّلۡبِ وَٱلتَّرَآئِبِ

Oo ka yimaada dhabarka iyo feeraha dhexdood,

86:8
إِنَّهُۥ عَلَىٰ رَجۡعِهِۦ لَقَادِرٞ

Hubaal (Alle) wuu Karaa inuu u soo celiyo nolosha (dhimasho kaddib).

86:9
يَوۡمَ تُبۡلَى ٱلسَّرَآئِرُ

Maalinta waxyaalaha qarsoon iyo siraha la soo bandhigi (xaqiiqdooda).

86:10
فَمَا لَهُۥ مِن قُوَّةٖ وَلَا نَاصِرٖ

Ma leh (gaalku Maalintaas) xoog ama wax u soo gargaara midna.

86:11
وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلرَّجۡعِ

Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay cirka leh roobka soo noqnoqda.

86:12
وَٱلۡأَرۡضِ ذَاتِ ٱلصَّدۡعِ

Iyo dhulka dil-dillaaca badan (ee soo saara dhirta iyo daaqa),

86:13
إِنَّهُۥ لَقَوۡلٞ فَصۡلٞ

Kani (Qur'aanku) waa hadal dhab ah oo cad oo kala saara (xaqa iyo baadilka).

86:14
وَمَا هُوَ بِٱلۡهَزۡلِ

Oo ma aha dhayal (dheel).

86:15
إِنَّهُمۡ يَكِيدُونَ كَيۡدٗا

(Gaaladu) wax bay dhagri oo qorsheyn.

86:16
وَأَكِيدُ كَيۡدٗا

Aniguna (sidoo kale) Waxaan qorsheyn qorshe.

86:17
فَمَهِّلِ ٱلۡكَٰفِرِينَ أَمۡهِلۡهُمۡ رُوَيۡدَۢا

Ee u sug gaalada: Daa wax yar.

Somali: Abdullah Hassan Yacoub · Quranic Universal Library (qul.tarteel.ai), Somali: Abdullah Hassan Yacoub

Tafsir and word by word in the app