← Quran

Al-A'la الأعلى

19 verses · makkah

87:1
سَبِّحِ ٱسۡمَ رَبِّكَ ٱلۡأَعۡلَى

Xurmo weynee oo ku tasbiixso (ka huf xumaan oo ammaan) Magaca (Alle) Rabbigaa ee Sarreeya.

87:2
ٱلَّذِي خَلَقَ فَسَوَّىٰ

Ee abuuray (uunka) oo hagaajiyey.

87:3
وَٱلَّذِي قَدَّرَ فَهَدَىٰ

Oo wax walba qaddaray, jidkana tusiyey.

87:4
وَٱلَّذِيٓ أَخۡرَجَ ٱلۡمَرۡعَىٰ

Oo ah Kan soo saara daaqa.

87:5
فَجَعَلَهُۥ غُثَآءً أَحۡوَىٰ

Ka dhiga markaas kaddib caws engagan oo madow.

87:6
سَنُقۡرِئُكَ فَلَا تَنسَىٰٓ

Waxaan kuu akhriyeynaa (Nabiyow) Qur’aanka mana illaaweysid,

87:7
إِلَّا مَا شَآءَ ٱللَّهُۚ إِنَّهُۥ يَعۡلَمُ ٱلۡجَهۡرَ وَمَا يَخۡفَىٰ

Wuxuu Alle doono ma’ahee, Wuxuu Og yahay waxa muuqda iyo waxa qarsoonba.

87:8
وَنُيَسِّرُكَ لِلۡيُسۡرَىٰ

Waxaanu kuu fududeyn waddada sahlan (Islaamka).

87:9
فَذَكِّرۡ إِن نَّفَعَتِ ٱلذِّكۡرَىٰ

Ee waani, markay wax tari waanadu.

87:10
سَيَذَّكَّرُ مَن يَخۡشَىٰ

Waxaa waantoobi Kan (ka) baqa (Alle).

87:11
وَيَتَجَنَّبُهَا ٱلۡأَشۡقَى

Waxaa ka fogaan (waanada) qofka xun.

87:12
ٱلَّذِي يَصۡلَى ٱلنَّارَ ٱلۡكُبۡرَىٰ

Kaasoo geli Naar weyn oo ku guban.

87:13
ثُمَّ لَا يَمُوتُ فِيهَا وَلَا يَحۡيَىٰ

Uusan ku dhimanayn dhexdeeda, kuna noolaanayn.

87:14
قَدۡ أَفۡلَحَ مَن تَزَكَّىٰ

Waxaa liibaani qofkii ka daahiriya naftiisa (shirkiga iyo macaasida).

87:15
وَذَكَرَ ٱسۡمَ رَبِّهِۦ فَصَلَّىٰ

Oo xusa, ammaana, hufa Magaca (Alle) Rabbigi oo salaadda tukada.

87:16
بَلۡ تُؤۡثِرُونَ ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا

Waxaadse door biddaan nolosha adduunkan;

87:17
وَٱلۡأٓخِرَةُ خَيۡرٞ وَأَبۡقَىٰٓ

Aakhiro baase khayr badan oo baaqi ah.

87:18
إِنَّ هَٰذَا لَفِي ٱلصُّحُفِ ٱلۡأُولَىٰ

Hubaal (hadal)kani wuxuu ku yaal Kututbtii hore,

87:19
صُحُفِ إِبۡرَٰهِيمَ وَمُوسَىٰ

Kutubtii Ibraahiim iyo Muuse.

Somali: Abdullah Hassan Yacoub · Quranic Universal Library (qul.tarteel.ai), Somali: Abdullah Hassan Yacoub

Tafsir and word by word in the app