← Quran

Al-'Adiyat العاديات

11 verses · makkah

100:1
وَٱلۡعَٰدِيَٰتِ ضَبۡحٗا

Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay ordayaasha dheereeya iyagoo qaylyi (fardaha dagaalka, iwm).

100:2
فَٱلۡمُورِيَٰتِ قَدۡحٗا

Iyo kuwa kiciya dhimbilaha dabka.

100:3
فَٱلۡمُغِيرَٰتِ صُبۡحٗا

Iyo kuwa (cadowga) weerara subaxa horeba,

100:4
فَأَثَرۡنَ بِهِۦ نَقۡعٗا

Markaas boorka kiciya,

100:5
فَوَسَطۡنَ بِهِۦ جَمۡعًا

Markaa dhaqso bartanka ugu gala kulanka (cadowga);

100:6
إِنَّ ٱلۡإِنسَٰنَ لِرَبِّهِۦ لَكَنُودٞ

Hubaal! Aadmigu waa ka abaal dhacaa Rabbigi (Allaah).

100:7
وَإِنَّهُۥ عَلَىٰ ذَٰلِكَ لَشَهِيدٞ

Isaga baana taasi ka markhaati ah.

100:8
وَإِنَّهُۥ لِحُبِّ ٱلۡخَيۡرِ لَشَدِيدٌ

Oo waa ku daran yahay Jaceylka maalka.

100:9
۞ أَفَلَا يَعۡلَمُ إِذَا بُعۡثِرَ مَا فِي ٱلۡقُبُورِ

Ma wuusan ogeyn marka waxa ku jira qabuuraha la soo bixiyo.

100:10
وَحُصِّلَ مَا فِي ٱلصُّدُورِ

Waxa ku jirana laabaha la caddeeyo.

100:11
إِنَّ رَبَّهُم بِهِمۡ يَوۡمَئِذٖ لَّخَبِيرُۢ

Hubaal Rabbigood maalintaas waa u Xog-Ogaal (arrimahooda oo dhan).

Somali: Abdullah Hassan Yacoub · Quranic Universal Library (qul.tarteel.ai), Somali: Abdullah Hassan Yacoub

Tafsir and word by word in the app