← Quran

Al-Infitar الإنفطار

19 verses · makkah

82:1
إِذَا ٱلسَّمَآءُ ٱنفَطَرَتۡ

Markay samada dildillaacdo.

82:2
وَإِذَا ٱلۡكَوَاكِبُ ٱنتَثَرَتۡ

Xiddiguhu daataan oo kala firdhaan.

82:3
وَإِذَا ٱلۡبِحَارُ فُجِّرَتۡ

Badaha laysku furo oo soo fatahaan.

82:4
وَإِذَا ٱلۡقُبُورُ بُعۡثِرَتۡ

Qabuuraha la soo qufo.

82:5
عَلِمَتۡ نَفۡسٞ مَّا قَدَّمَتۡ وَأَخَّرَتۡ

Naf walbaa waxay ogaan waxay hormarsatay iyo (waxay) dib dhigatay (khayr ama shar oo laga jaazeyn).

82:6
يَٰٓأَيُّهَا ٱلۡإِنسَٰنُ مَا غَرَّكَ بِرَبِّكَ ٱلۡكَرِيمِ

Qof yahow! Maxaa kaa jeediyey Rabbigaaga, Roonaanta Badan?

82:7
ٱلَّذِي خَلَقَكَ فَسَوَّىٰكَ فَعَدَلَكَ

Kaasoo ku abuuray, kuna ekeeyey oo ku simay?

82:8
فِيٓ أَيِّ صُورَةٖ مَّا شَآءَ رَكَّبَكَ

Suuradduu doonana kuu sameeyey?.

82:9
كـَلَّا بَلۡ تُكَذِّبُونَ بِٱلدِّينِ

Mayee bal waxaad beenisaan maalinta is abaal marinta (jaazeynta).

82:10
وَإِنَّ عَلَيۡكُمۡ لَحَٰفِظِينَ

Waxaa korkiinna ah (oo idiin xil saaran malaa’ig) gaar idinka haya.

82:11
كِرَامٗا كَٰتِبِينَ

Sharaf leh, qoraya (acmaashiinna),

82:12
يَعۡلَمُونَ مَا تَفۡعَلُونَ

Ogsoon wax kastoo aad fashaan.

82:13
إِنَّ ٱلۡأَبۡرَارَ لَفِي نَعِيمٖ

Baarriyadu waxay dhex ahaan barwaaqo (Janno).

82:14
وَإِنَّ ٱلۡفُجَّارَ لَفِي جَحِيمٖ

Xume falayaashuna waxay ku sugnaan Naar ololaysa.

82:15
يَصۡلَوۡنَهَا يَوۡمَ ٱلدِّينِ

Ay geli oo ku guban Maalinta Is abaalmarinta (Jaazeynta).

82:16
وَمَا هُمۡ عَنۡهَا بِغَآئِبِينَ

Kamana maqnaadaan marnaba xaggeeda (Naarta).

82:17
وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا يَوۡمُ ٱلدِّينِ

Maxaa ku ogeysiiyey waxay Maalinta is abaal marintu tahay?

82:18
ثُمَّ مَآ أَدۡرَىٰكَ مَا يَوۡمُ ٱلدِّينِ

Misna, maxaa ku ogeysiiyey waxay Maalinta is abaal marintu tahay?

82:19
يَوۡمَ لَا تَمۡلِكُ نَفۡسٞ لِّنَفۡسٖ شَيۡـٔٗاۖ وَٱلۡأَمۡرُ يَوۡمَئِذٖ لِّلَّهِ

(Waa) maalinta aysan nafi wax u tarin naf kale. Amarkana Maalintaas waxaa gebi ahaanba iska leh Allaah.

Somali: Abdullah Hassan Yacoub · Quranic Universal Library (qul.tarteel.ai), Somali: Abdullah Hassan Yacoub

Tafsir and word by word in the app