← Quran

At-Takwir التكوير

29 verses · makkah

81:1
إِذَا ٱلشَّمۡسُ كُوِّرَتۡ

Marka qorraxda la duubo (oo la iftiin tiro),

81:2
وَإِذَا ٱلنُّجُومُ ٱنكَدَرَتۡ

Oo xiddiguhu daataan (oo nuurkoodu tago),

81:3
وَإِذَا ٱلۡجِبَالُ سُيِّرَتۡ

Oo buuraha la rujiyo oo budo noqdaan.

81:4
وَإِذَا ٱلۡعِشَارُ عُطِّلَتۡ

Oo geela rimman (qofka waxa uu maal ugu jecel yahay) uu cidleeyo (isaga tago oo laga hayaamo).

81:5
وَإِذَا ٱلۡوُحُوشُ حُشِرَتۡ

Dugaagga la soo wada kulmiyo (qisaas darteed).

81:6
وَإِذَا ٱلۡبِحَارُ سُجِّرَتۡ

Badaha la shido (ama isku soo fatahmaan);

81:7
وَإِذَا ٱلنُّفُوسُ زُوِّجَتۡ

Nafaha lagu lammaaniyo jirarkoodii (macno kale lagu lammaansho eynigood iyo waxay is leeyihiin oo la mid ah);

81:8
وَإِذَا ٱلۡمَوۡءُۥدَةُ سُئِلَتۡ

Oo (tii kastoo yaraan) lagu nolol xabaalay la weydiiyo,

81:9
بِأَيِّ ذَنۢبٖ قُتِلَتۡ

Maxaa denbi ahoo loo dilay?

81:10
وَإِذَا ٱلصُّحُفُ نُشِرَتۡ

Marka kutubta (acmaasha aadmiga ee malaa'igtu qorayeen) la fidiyo.

81:11
وَإِذَا ٱلسَّمَآءُ كُشِطَتۡ

Oo samada laga rujiyo meesheeda,

81:12
وَإِذَا ٱلۡجَحِيمُ سُعِّرَتۡ

Oo Naarta la huriyo.

81:13
وَإِذَا ٱلۡجَنَّةُ أُزۡلِفَتۡ

Oo Jannada la soo dhoweeyo.

81:14
عَلِمَتۡ نَفۡسٞ مَّآ أَحۡضَرَتۡ

Waxay ogaan nafi waxay la timid (khayr ama shar).

81:15
فَلَآ أُقۡسِمُ بِٱلۡخُنَّسِ

Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay xiddigaha qarsooma (maalintii).

81:16
ٱلۡجَوَارِ ٱلۡكُنَّسِ

Ee ku socda rugahooda ee qarsoomee (dhaca).

81:17
وَٱلَّيۡلِ إِذَا عَسۡعَسَ

Iyo habeenka markuu yimaado (ama tago).

81:18
وَٱلصُّبۡحِ إِذَا تَنَفَّسَ

Iyo subaxu markuu neefsado (oo soo baxo iftiinkiisa).

81:19
إِنَّهُۥ لَقَوۡلُ رَسُولٖ كَرِيمٖ

Hubaal kani (Qur'aanka) waa hadal (Ilaahay) uu keenay Rasuul sharaf badan (Jabriil).

81:20
ذِي قُوَّةٍ عِندَ ذِي ٱلۡعَرۡشِ مَكِينٖ

Awood iyo meeqaan sare ku leh (Alle) agtiis, Rabbiga Carshiga Weyn,

81:21
مُّطَاعٖ ثَمَّ أَمِينٖ

La adeeco, haddana aamin ah kalsooni lagu qabo.

81:22
وَمَا صَاحِبُكُم بِمَجۡنُونٖ

Saaxiibkiin (Nabi Muxammad) ma aha jinnoole.

81:23
وَلَقَدۡ رَءَاهُ بِٱلۡأُفُقِ ٱلۡمُبِينِ

Horay buuna ugu arkay (Jabriil) jihada cad (dhinaca qorrax soo baxa).

81:24
وَمَا هُوَ عَلَى ٱلۡغَيۡبِ بِضَنِينٖ

Ma aha (Nabi Muxammad) mid ceshada cilmiga ku saabsan Ghaybka.

81:25
وَمَا هُوَ بِقَوۡلِ شَيۡطَٰنٖ رَّجِيمٖ

(Qur’aanku) ma aha hadalka Shaydaan laga fogeeyey (Naxariista Alle).

81:26
فَأَيۡنَ تَذۡهَبُونَ

Ee xaggee aadeysaan?

81:27
إِنۡ هُوَ إِلَّا ذِكۡرٞ لِّلۡعَٰلَمِينَ

(Qur’aanku) ma aha waxaan aheyn Waano ku socota ummadaha oo dhan.

81:28
لِمَن شَآءَ مِنكُمۡ أَن يَسۡتَقِيمَ

Qofkii idinka mid ah ee dooni inuu (ku) toosnaado (Xaqa).

81:29
وَمَا تَشَآءُونَ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ رَبُّ ٱلۡعَٰلَمِينَ

Oo waxna ma dooni kartaan aan ahayn wuxuu Alle doono, Rabbiga uumanka.

Somali: Abdullah Hassan Yacoub · Quranic Universal Library (qul.tarteel.ai), Somali: Abdullah Hassan Yacoub

Tafsir and word by word in the app