← Quran

Al-Ma'arij المعارج

44 verses · makkah

70:1
سَأَلَ سَآئِلُۢ بِعَذَابٖ وَاقِعٖ

Mid wax dalbaya baa dalbay in cadaab ku dhacda (gaalada loo soo dedejiyo).

70:2
لِّلۡكَٰفِرِينَ لَيۡسَ لَهُۥ دَافِعٞ

(Cadaabkaasna) ma jiro wax gaalada ka celin -

70:3
مِّنَ ٱللَّهِ ذِي ٱلۡمَعَارِجِ

Kaga iman xagga Alle, Rabbiga leh Darajooyinka sare, haybadda, Sarreynta, Sharafta iyo samooyinka koreba ee waddooyinka leh kor loogu aado.

70:4
تَعۡرُجُ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ وَٱلرُّوحُ إِلَيۡهِ فِي يَوۡمٖ كَانَ مِقۡدَارُهُۥ خَمۡسِينَ أَلۡفَ سَنَةٖ

Kor u koraan Malaa’igta iyo Ruuxa (Jabriil) Maalin qaddarkeedu dhan yahay konton kun oo sano.

70:5
فَٱصۡبِرۡ صَبۡرٗا جَمِيلًا

Ee samir (Nabiyow) samir wanaagsan.

70:6
إِنَّهُمۡ يَرَوۡنَهُۥ بَعِيدٗا

Waxay (gaaladu) u arkaan (cadaabka Qiyaame) wax fog.

70:7
وَنَرَىٰهُ قَرِيبٗا

Annaguse waxaan u aragnaa inuu dhow yahay.

70:8
يَوۡمَ تَكُونُ ٱلسَّمَآءُ كَٱلۡمُهۡلِ

Maalintay samadu noqon sida maar shuban.

70:9
وَتَكُونُ ٱلۡجِبَالُ كَٱلۡعِهۡنِ

Buuruhu noqon sida cudbi la dhilay.

70:10
وَلَا يَسۡـَٔلُ حَمِيمٌ حَمِيمٗا

Saaxiib uusan saaxiib kale wax weydiineyn.

70:11
يُبَصَّرُونَهُمۡۚ يَوَدُّ ٱلۡمُجۡرِمُ لَوۡ يَفۡتَدِي مِنۡ عَذَابِ يَوۡمِئِذِۭ بِبَنِيهِ

Wayse is arkayaan, denbiilahu wuxuu jeclaan inuu isaga furto Maalintaasi (Qiyaamada) cadaabka ilmahiisa.

70:12
وَصَٰحِبَتِهِۦ وَأَخِيهِ

Iyo xaaskiisa iyo walaalki.

70:13
وَفَصِيلَتِهِ ٱلَّتِي تُـٔۡوِيهِ

Iyo kuwa u xiga qaraabo ahaan ee siiya meeluu hoydo,

70:14
وَمَن فِي ٱلۡأَرۡضِ جَمِيعٗا ثُمَّ يُنجِيهِ

Iyo waxa dhulka ku sugan dhammaan markaas uu isagu badbaado.

70:15
كـَلَّآۖ إِنَّهَا لَظَىٰ

Mayee! Hubaal waa Naar ololeysa.

70:16
نَزَّاعَةٗ لِّلشَّوَىٰ

Diiraneysa haragga Madaxa.

70:17
تَدۡعُواْ مَنۡ أَدۡبَرَ وَتَوَلَّىٰ

U yeedhi kan jeestay ee Xaqa diiday.

70:18
وَجَمَعَ فَأَوۡعَىٰٓ

Oo maal kulmiyey oo afka u xiray (wax ka bixin sadaqo ahaan).

70:19
۞ إِنَّ ٱلۡإِنسَٰنَ خُلِقَ هَلُوعًا

Aadmigu waxaa lagu abuuray samir yaraan iyo degdegsiinyo.

70:20
إِذَا مَسَّهُ ٱلشَّرُّ جَزُوعٗا

Markuu dhib taabto wuu murugoodaa oo samir yar yahay.

70:21
وَإِذَا مَسَّهُ ٱلۡخَيۡرُ مَنُوعًا

Markuu khayr helana waa bakhayl (aan wax bixin).

70:22
إِلَّا ٱلۡمُصَلِّينَ

Kuwa salaadda tukada mooyaane.

70:23
ٱلَّذِينَ هُمۡ عَلَىٰ صَلَاتِهِمۡ دَآئِمُونَ

Ee ah kuwa salaaddooda daa’ima;

70:24
وَٱلَّذِينَ فِيٓ أَمۡوَٰلِهِمۡ حَقّٞ مَّعۡلُومٞ

Ee ah kuwa maalkooda uu ugu jiro qayb la yaqaan.

70:25
لِّلسَّآئِلِ وَٱلۡمَحۡرُومِ

Kan wax weydiista, iyo kan aan wax heysan.

70:26
وَٱلَّذِينَ يُصَدِّقُونَ بِيَوۡمِ ٱلدِّينِ

Ee ah kuwa rumeysan Maalinta jaazeynta (Qiyaamaha).

70:27
وَٱلَّذِينَ هُم مِّنۡ عَذَابِ رَبِّهِم مُّشۡفِقُونَ

Ee ah kuwa iyagu ka baqa cadaabka Rabbigood.

70:28
إِنَّ عَذَابَ رَبِّهِمۡ غَيۡرُ مَأۡمُونٖ

Hubaal Cadaabka Rabbigaa waa wax aan aamin laga aheyn.

70:29
وَٱلَّذِينَ هُمۡ لِفُرُوجِهِمۡ حَٰفِظُونَ

Ee ah kuwa ilaaliya xubnahooda gaarka ah.

70:30
إِلَّا عَلَىٰٓ أَزۡوَٰجِهِمۡ أَوۡ مَا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُهُمۡ فَإِنَّهُمۡ غَيۡرُ مَلُومِينَ

Xagga xaasaskooda ma’ahee ama kuwa ay gacmahoodu midig hantaan (markaa) ma laha wax eed ah.

70:31
فَمَنِ ٱبۡتَغَىٰ وَرَآءَ ذَٰلِكَ فَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡعَادُونَ

Kiise doona inuu intaas dabo maro, kuwaa weeye kuwa xadgudbayaasha ah.

70:32
وَٱلَّذِينَ هُمۡ لِأَمَٰنَٰتِهِمۡ وَعَهۡدِهِمۡ رَٰعُونَ

Ee ah kuwaa ilaaliya ammaanooyinkoo- da iyo ballankooda;

70:33
وَٱلَّذِينَ هُم بِشَهَٰدَٰتِهِمۡ قَآئِمُونَ

Ee ah kuwaa iyagu si toosan u guta oo u fura maraggooda;

70:34
وَٱلَّذِينَ هُمۡ عَلَىٰ صَلَاتِهِمۡ يُحَافِظُونَ

Ee ah kuwa xafida oo dhowra salaaddooda,

70:35
أُوْلَٰٓئِكَ فِي جَنَّٰتٖ مُّكۡرَمُونَ

Kuwaasi waxay geli Beeraha Jannada iyagoo sharfan.

70:36
فَمَالِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ قِبَلَكَ مُهۡطِعِينَ

Muxuuse arrinkoodu yahay kuwaa Xaqa diida waa iyaga u soo degdega hareerahaada’e.

70:37
عَنِ ٱلۡيَمِينِ وَعَنِ ٱلشِّمَالِ عِزِينَ

Xagga midigta iyo bidixda koox koox u jooga?

70:38
أَيَطۡمَعُ كُلُّ ٱمۡرِيٕٖ مِّنۡهُمۡ أَن يُدۡخَلَ جَنَّةَ نَعِيمٖ

Ma wuxuu qof walba oo ka mid ahi damci in la geliyo Jannada barwaaqada ah?

70:39
كـَلَّآۖ إِنَّا خَلَقۡنَٰهُم مِّمَّا يَعۡلَمُونَ

Mayee, Waxaan ka abuurnay waxay og yihiin (biyo liita oo haddana is kibriyaan).

70:40
فَلَآ أُقۡسِمُ بِرَبِّ ٱلۡمَشَٰرِقِ وَٱلۡمَغَٰرِبِ إِنَّا لَقَٰدِرُونَ

Mayee se! Waxaan ku dhaartay Rabbiga bariyada iyo galbeedyada (waa isla Alle'e oo naf ahaantiisa ku dhaaran) inaan Karno;

70:41
عَلَىٰٓ أَن نُّبَدِّلَ خَيۡرٗا مِّنۡهُمۡ وَمَا نَحۡنُ بِمَسۡبُوقِينَ

Inaan ku beddelno (kuwo kale) oo ka wanaagsan; nalagamana adkaado.

70:42
فَذَرۡهُمۡ يَخُوضُواْ وَيَلۡعَبُواْ حَتَّىٰ يُلَٰقُواْ يَوۡمَهُمُ ٱلَّذِي يُوعَدُونَ

Ee iska dhaaf ha dhumbadeene (xumaanta) hana iska cayaareen, intay kala kulmaan Maalinkooda loogu gooddiyo.

70:43
يَوۡمَ يَخۡرُجُونَ مِنَ ٱلۡأَجۡدَاثِ سِرَاعٗا كَأَنَّهُمۡ إِلَىٰ نُصُبٖ يُوفِضُونَ

Maalintay ka soo bixi qubuuraha iyagoo degdegaya sida inay u tartarmayaan taallooyin loo taagay.

70:44
خَٰشِعَةً أَبۡصَٰرُهُمۡ تَرۡهَقُهُمۡ ذِلَّةٞۚ ذَٰلِكَ ٱلۡيَوۡمُ ٱلَّذِي كَانُواْ يُوعَدُونَ

Indhahoodu rogan yihiin, dulli baa dabooli (korka oo dhan)! Kaasi waa Maalin- kii loogu gooddiyey (ay beeninayeen).

Somali: Abdullah Hassan Yacoub · Quranic Universal Library (qul.tarteel.ai), Somali: Abdullah Hassan Yacoub

Tafsir and word by word in the app