← Quran

Al-Haqqah الحاقة

52 verses · makkah

69:1
ٱلۡحَآقَّةُ

Xaqiiqda dhabta ah ee sugan35>1!

69:2
مَا ٱلۡحَآقَّةُ

Waa maxay xaqiiqda dhabta ahi?!

69:3
وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا ٱلۡحَآقَّةُ

Maxaad ka og tahay waxay tahay xaqiiqdaa dhabta ahi ee sugan?!

69:4
كَذَّبَتۡ ثَمُودُ وَعَادُۢ بِٱلۡقَارِعَةِ

Thamuud iyo Caadba waxay beeniyeen (Qalbi) Garaacdada (Maalinta Qiyaame).

69:5
فَأَمَّا ثَمُودُ فَأُهۡلِكُواْ بِٱلطَّاغِيَةِ

Thamuud, waxaa lagu halaagay Qeylo Daran.

69:6
وَأَمَّا عَادٞ فَأُهۡلِكُواْ بِرِيحٖ صَرۡصَرٍ عَاتِيَةٖ

Caad se, waxaa lagu halaagay dabeyl daran oo qabow badan.

69:7
سَخَّرَهَا عَلَيۡهِمۡ سَبۡعَ لَيَالٖ وَثَمَٰنِيَةَ أَيَّامٍ حُسُومٗاۖ فَتَرَى ٱلۡقَوۡمَ فِيهَا صَرۡعَىٰ كَأَنَّهُمۡ أَعۡجَازُ نَخۡلٍ خَاوِيَةٖ

(Alle) uu ku salliday toddoba habeen iyo siddeed maalmood oo xidhiidh ah; sidaas darteed waxaad arki lahayd dadkiiyoo halkaas u daadsan af gambi la moodo jirrido timreed dhacay.

69:8
فَهَلۡ تَرَىٰ لَهُم مِّنۢ بَاقِيَةٖ

Ee ma aragtaa wax ka hadhay?

69:9
وَجَآءَ فِرۡعَوۡنُ وَمَن قَبۡلَهُۥ وَٱلۡمُؤۡتَفِكَٰتُ بِٱلۡخَاطِئَةِ

Fircoon iyo kuwii ka horreeyey iyo magalooyinkii la rogay (ee qowmu Luud- Sodom iyo Gomorrah) waxay joogto ula yimaadeen gefaf weyn.

69:10
فَعَصَوۡاْ رَسُولَ رَبِّهِمۡ فَأَخَذَهُمۡ أَخۡذَةٗ رَّابِيَةً

Waxay caasiyeen Rasuulkii Rabbigood (Luud iyo Muuse), markaasuu (Alle) qabtay 'ciqaabay' qabasho 'ciqaab' daran.

69:11
إِنَّا لَمَّا طَغَا ٱلۡمَآءُ حَمَلۡنَٰكُمۡ فِي ٱلۡجَارِيَةِ

Markay biyihii xad dhaafeen waxaan idinku qaadnay (dadow) Doonidii (uu sameeyey Nuux).

69:12
لِنَجۡعَلَهَا لَكُمۡ تَذۡكِرَةٗ وَتَعِيَهَآ أُذُنٞ وَٰعِيَةٞ

Si aan idiinkaga dhigno waano, oo una xafiddo dheg wax maqasha oo u fahanto.

69:13
فَإِذَا نُفِخَ فِي ٱلصُّورِ نَفۡخَةٞ وَٰحِدَةٞ

Marka Buunka (Qiyaame) la afuufo afuufid keliya (afuufka hore),

69:14
وَحُمِلَتِ ٱلۡأَرۡضُ وَٱلۡجِبَالُ فَدُكَّتَا دَكَّةٗ وَٰحِدَةٗ

Dhulka iyo buurahana laga rujiyo meelahooda, oo la baduugo baduugid mar keliya ah.

69:15
فَيَوۡمَئِذٖ وَقَعَتِ ٱلۡوَاقِعَةُ

Maalintaa bay Dhacdada (Weyn) dhici (Qiyaamada).

69:16
وَٱنشَقَّتِ ٱلسَّمَآءُ فَهِيَ يَوۡمَئِذٖ وَاهِيَةٞ

Samadu Maalintaa u kala dillaaci gaballo, marka waxay ahaan mid jilicsan.

69:17
وَٱلۡمَلَكُ عَلَىٰٓ أَرۡجَآئِهَاۚ وَيَحۡمِلُ عَرۡشَ رَبِّكَ فَوۡقَهُمۡ يَوۡمَئِذٖ ثَمَٰنِيَةٞ

Malaa’igtu waxay ahaan agagaar- keeda, waxaana ku xambaari Carshiga Rabbigaa korkooda Maalintaas siddeed (saf oo malaa'g ah).

69:18
يَوۡمَئِذٖ تُعۡرَضُونَ لَا تَخۡفَىٰ مِنكُمۡ خَافِيَةٞ

Maalintaas waa la idin soo bandhigi, ma jirto sir aad leedihiin oo qarsoonaan.

69:19
فَأَمَّا مَنۡ أُوتِيَ كِتَٰبَهُۥ بِيَمِينِهِۦ فَيَقُولُ هَآؤُمُ ٱقۡرَءُواْ كِتَٰبِيَهۡ

Kan laga siiyo kitaabkiisa gacantiisa midig, wuxuu odhan: Waa kane, akhriya kitaabkeyga.

69:20
إِنِّي ظَنَنتُ أَنِّي مُلَٰقٍ حِسَابِيَهۡ

Anigu waan hubay inaan la kulmi Xisaabteyda.

69:21
فَهُوَ فِي عِيشَةٖ رَّاضِيَةٖ

Marka wuxuu kaasi ku noolaan nolol farxad iyo raallinnimo leh.

69:22
فِي جَنَّةٍ عَالِيَةٖ

Beer sare gudaheed ah (Janno),

69:23
قُطُوفُهَا دَانِيَةٞ

Midhaheedu (goosasho iyo) gurasho dhow yihiin.

69:24
كُلُواْ وَٱشۡرَبُواْ هَنِيٓـَٔۢا بِمَآ أَسۡلَفۡتُمۡ فِي ٱلۡأَيَّامِ ٱلۡخَالِيَةِ

Cuna oo cabba idinkoo faraxsan, waa waxaad horay u falateen maalmihii tegaye.

69:25
وَأَمَّا مَنۡ أُوتِيَ كِتَٰبَهُۥ بِشِمَالِهِۦ فَيَقُولُ يَٰلَيۡتَنِي لَمۡ أُوتَ كِتَٰبِيَهۡ

Kanse laga siiyo kitaabkiisa gacantiisa bidix, wuxuu odhan: Alla haddaan marnaba la I siiyeen kitaabkeyga.

69:26
وَلَمۡ أَدۡرِ مَا حِسَابِيَهۡ

Oo aan ogaadeen, waxay xisaabteydu tahay?

69:27
يَٰلَيۡتَهَا كَانَتِ ٱلۡقَاضِيَةَ

Alla hadday taa (dhamishadu) ahaan laheyd dhammaadkeyga.

69:28
مَآ أَغۡنَىٰ عَنِّي مَالِيَهۡۜ

Maalkeygii waxba iima tarin.

69:29
هَلَكَ عَنِّي سُلۡطَٰنِيَهۡ

Awooddeydii waa iga baabba’een.

69:30
خُذُوهُ فَغُلُّوهُ

(Waxaa la odhan): Qabta oo xidha.

69:31
ثُمَّ ٱلۡجَحِيمَ صَلُّوهُ

Markaas geliya dabka ololka badan.

69:32
ثُمَّ فِي سِلۡسِلَةٖ ذَرۡعُهَا سَبۡعُونَ ذِرَاعٗا فَٱسۡلُكُوهُ

Markaas ku xirxira silsilad ballaceedu yahay toddobaatan dhudhumood.

69:33
إِنَّهُۥ كَانَ لَا يُؤۡمِنُ بِٱللَّهِ ٱلۡعَظِيمِ

Ma uu rumeysneyn Allaah, Sarreeyaha Weyn.

69:34
وَلَا يَحُضُّ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلۡمِسۡكِينِ

Mana dhiirra gelin jirin quudinta miskiinka.

69:35
فَلَيۡسَ لَهُ ٱلۡيَوۡمَ هَٰهُنَا حَمِيمٞ

Sidaa awgeed kuma laha halkan maanta wax saaxiib run ah.

69:36
وَلَا طَعَامٌ إِلَّا مِنۡ غِسۡلِينٖ

ama wax cunno ah milil iyo malax ma’ahee.

69:37
لَّا يَأۡكُلُهُۥٓ إِلَّا ٱلۡخَٰطِـُٔونَ

Aanay cidi cunin geflowyada Maahee.

69:38
فَلَآ أُقۡسِمُ بِمَا تُبۡصِرُونَ

Mayee, waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay waxaad aragtaan.

69:39
وَمَا لَا تُبۡصِرُونَ

Iyo wax aydaan aragba,

69:40
إِنَّهُۥ لَقَوۡلُ رَسُولٖ كَرِيمٖ

Kani waa hadal (Ilaahay) uu keenay Rasuul sharaf leh (Nabi Muxammad s.c.w.)

69:41
وَمَا هُوَ بِقَوۡلِ شَاعِرٖۚ قَلِيلٗا مَّا تُؤۡمِنُونَ

Ma aha hadal gabyaa, yaraa intaad rumeysaan.

69:42
وَلَا بِقَوۡلِ كَاهِنٖۚ قَلِيلٗا مَّا تَذَكَّرُونَ

ama hadal curraafle, yaraa intaad waantowdaan.

69:43
تَنزِيلٞ مِّن رَّبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ

Waa Waxyi ka soo degay xagga Rabbiga uumanka (Allaah).

69:44
وَلَوۡ تَقَوَّلَ عَلَيۡنَا بَعۡضَ ٱلۡأَقَاوِيلِ

Hadduu (Nabi Muxammad) naga been sheegi lahaa;

69:45
لَأَخَذۡنَا مِنۡهُ بِٱلۡيَمِينِ

Waxaan ku qaban laheyn gacanta Midig.

69:46
ثُمَّ لَقَطَعۡنَا مِنۡهُ ٱلۡوَتِينَ

Oo waxaan goyn laheyn halbowlaha.

69:47
فَمَا مِنكُم مِّنۡ أَحَدٍ عَنۡهُ حَٰجِزِينَ

Ma jiro qof idinka mid ahi oo naga celin lahaa.

69:48
وَإِنَّهُۥ لَتَذۡكِرَةٞ لِّلۡمُتَّقِينَ

(Qur'aanku) waa u waano kuwa ka dhowrsada xumaha ee Alle u hoggaansan.

69:49
وَإِنَّا لَنَعۡلَمُ أَنَّ مِنكُم مُّكَذِّبِينَ

Waan ognahay inay idinka mid yihiin kuwa beeniya (Xaqa).

69:50
وَإِنَّهُۥ لَحَسۡرَةٌ عَلَى ٱلۡكَٰفِرِينَ

(Qur’aanku) waa qoomamada gaalada (Maalinta Qiyaame).

69:51
وَإِنَّهُۥ لَحَقُّ ٱلۡيَقِينِ

Waana xaq dhab ah.

69:52
فَسَبِّحۡ بِٱسۡمِ رَبِّكَ ٱلۡعَظِيمِ

Ee ku tasbiixso, xurmo weynee, oo huf Magaca Rabbigaa (Allaah), Weynaha, Sharafta Badan.

Somali: Abdullah Hassan Yacoub · Quranic Universal Library (qul.tarteel.ai), Somali: Abdullah Hassan Yacoub

Tafsir and word by word in the app