← Quran

Al-Fatihah الفاتحة

7 verses · makkah

1:1
بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

Waxaan Ku billaabi Magaca Alle, Naxariistaha (Naxariis guud ahaaneed), (u) Naxariista badan (mu'miniinta).

1:2
ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ

Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka.

1:3
ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

Naxariistaha (Naxariis guud ahaaneed), (u) Naxariista Badan (mu'miniinta).

1:4
مَٰلِكِ يَوۡمِ ٱلدِّينِ

Boqorka Maalinta Jaazeynta (Qiyaamada) ee iska leh wax walba.

1:5
إِيَّاكَ نَعۡبُدُ وَإِيَّاكَ نَسۡتَعِينُ

Adigoo Keliya baynu(Allow)ku caabudi,oo Adigoo Keliya baynu ku weydiisan kaalmo.

1:6
ٱهۡدِنَا ٱلصِّرَٰطَ ٱلۡمُسۡتَقِيمَ

Ee nagu hanuuni (oo sug) Jidka Toosan.

1:7
صِرَٰطَ ٱلَّذِينَ أَنۡعَمۡتَ عَلَيۡهِمۡ غَيۡرِ ٱلۡمَغۡضُوبِ عَلَيۡهِمۡ وَلَا ٱلضَّآلِّينَ

Jidka kuwaad u Nicmaysay>2, aan aheyn (jidka) kuwa loo cadhooday3 iyo (jidka) kuwa lunsan midna.

Somali: Abdullah Hassan Yacoub · Quranic Universal Library (qul.tarteel.ai), Somali: Abdullah Hassan Yacoub

Tafsir and word by word in the app