← Quran

An-Nazi'at النازعات

46 verses · makkah

79:1
وَٱلنَّٰزِعَٰتِ غَرۡقٗا

Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay (malaa’igta) sida daran u soo siibta nafaha (gaalada).

79:2
وَٱلنَّٰشِطَٰتِ نَشۡطٗا

Iyo (malaa'igta) sida fudud u qaadda (nafaha mu’miniinta waqtiga dhimashada).

79:3
وَٱلسَّٰبِحَٰتِ سَبۡحٗا

Iyo (malaa'igta) hawada dabaalata (iyagoo u socda fulin amarrada Alle).

79:4
فَٱلسَّٰبِقَٰتِ سَبۡقٗا

Iyo (malaa'igta) u dheereeya 'khayrka iyo wanaagga' dheereyn.

79:5
فَٱلۡمُدَبِّرَٰتِ أَمۡرٗا

Iyo (malaa'igta) isku duwa arrin (walba) (si waafaqsan amarka Alle, in dadow la idin soo bixin oo xisaabin Aakhirada).

79:6
يَوۡمَ تَرۡجُفُ ٱلرَّاجِفَةُ

Maalinta ay gilgilatadu gilgilan (waa afuufka hore ee Buunka).

79:7
تَتۡبَعُهَا ٱلرَّادِفَةُ

Oo ay raaci tan xigta (afuufka labaad).

79:8
قُلُوبٞ يَوۡمَئِذٖ وَاجِفَةٌ

Quluub (qalbiyada gaalada) Maalintaas way gariiri.

79:9
أَبۡصَٰرُهَا خَٰشِعَةٞ

Indhahoodu dulleysnaan.

79:10
يَقُولُونَ أَءِنَّا لَمَرۡدُودُونَ فِي ٱلۡحَافِرَةِ

Waxay (haatan) leeyihiin: Ma waxaa naloo soo celin (dhimashadayada kaddib) sidayadii hore (ee nolosha adduunka)?

79:11
أَءِذَا كُنَّا عِظَٰمٗا نَّخِرَةٗ

Ma markaan noqonno lafo bololay?

79:12
قَالُواْ تِلۡكَ إِذٗا كَرَّةٌ خَاسِرَةٞ

Waxay odhan: Taasi waa noqosho khasaaro ah.

79:13
فَإِنَّمَا هِيَ زَجۡرَةٞ وَٰحِدَةٞ

Waase hal Qeylo keliya.

79:14
فَإِذَا هُم بِٱلسَّاهِرَةِ

Mise, waxay ahaan (kuwo nool) dhulka guudki (dhimashadoodii kaddib).

79:15
هَلۡ أَتَىٰكَ حَدِيثُ مُوسَىٰٓ

Ma ku soo gaaray warkii Muuse?

79:16
إِذۡ نَادَىٰهُ رَبُّهُۥ بِٱلۡوَادِ ٱلۡمُقَدَّسِ طُوًى

Markuu Rabbigi (Alle) uga dhawaaqay togga barakeysan ee Duwa.

79:17
ٱذۡهَبۡ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ إِنَّهُۥ طَغَىٰ

Aad Fircoon, wuu xadgudbaye.

79:18
فَقُلۡ هَل لَّكَ إِلَىٰٓ أَن تَزَكَّىٰ

Oo ku dheh: Ma dooneysaa inaad iska daahiriso (shirkiga iyo macaasida)?

79:19
وَأَهۡدِيَكَ إِلَىٰ رَبِّكَ فَتَخۡشَىٰ

Oo aan kugu hanuunsho xagga (Alle) Rabbigaa si aad uga baqdo?.

79:20
فَأَرَىٰهُ ٱلۡأٓيَةَ ٱلۡكُبۡرَىٰ

Markaasuu tusay Calaamddii Weyneyd (gacantii ifeysay ama ushii maska weyn noqoneysay).

79:21
فَكَذَّبَ وَعَصَىٰ

(Fircoon) se wuu beeniyey oo caasiyey.

79:22
ثُمَّ أَدۡبَرَ يَسۡعَىٰ

Markaasuu dib u jeestay isagoo (xumaan u) socda.

79:23
فَحَشَرَ فَنَادَىٰ

Oo soo kulmiyey (dadkiisii) oo kor u dhawaaqay.

79:24
فَقَالَ أَنَا۠ رَبُّكُمُ ٱلۡأَعۡلَىٰ

Oo yidhi: Waa aniga rabbigiin, sarreeya.

79:25
فَأَخَذَهُ ٱللَّهُ نَكَالَ ٱلۡأٓخِرَةِ وَٱلۡأُولَىٰٓ

Markaasuu Alle ku dhigay ciqaab lagu tusaale qaato (xadgudubkii) dambe (sheegashadiisa ilaahnimo) iyo tii hore darteed (beeninta Muuse).

79:26
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَعِبۡرَةٗ لِّمَن يَخۡشَىٰٓ

Arrinkani waxaa ugu sugan cibrad (digniin) qof kastoo ka baqa Alle.

79:27
ءَأَنتُمۡ أَشَدُّ خَلۡقًا أَمِ ٱلسَّمَآءُۚ بَنَىٰهَا

Ma idinkaa adag abuur ahaan, mise samada, wuu dhisay.

79:28
رَفَعَ سَمۡكَهَا فَسَوَّىٰهَا

Wuxuu (samada) kor yeelay jurmigeeda oo waliba simay.

79:29
وَأَغۡطَشَ لَيۡلَهَا وَأَخۡرَجَ ضُحَىٰهَا

Oo ka yeelay mugdi habeenkeeda oo soo bixiyey maalinteeda (ifiyey).

79:30
وَٱلۡأَرۡضَ بَعۡدَ ذَٰلِكَ دَحَىٰهَآ

Dhulka markaa kaddib fidshay.

79:31
أَخۡرَجَ مِنۡهَا مَآءَهَا وَمَرۡعَىٰهَا

Wuxuu ka soo saaray biyaheeda iyo baadkeeda;

79:32
وَٱلۡجِبَالَ أَرۡسَىٰهَا

Buurahana wuu dhidbay;

79:33
مَتَٰعٗا لَّكُمۡ وَلِأَنۡعَٰمِكُمۡ

Sahay aad leedihiin idinka iyo xoolahiinnuba.

79:34
فَإِذَا جَآءَتِ ٱلطَّآمَّةُ ٱلۡكُبۡرَىٰ

Markase ay timaaddo musiibada weyni.

79:35
يَوۡمَ يَتَذَكَّرُ ٱلۡإِنسَٰنُ مَا سَعَىٰ

Maalinka uu Aadmigu xusuusan wuxuu falay oo dhan.

79:36
وَبُرِّزَتِ ٱلۡجَحِيمُ لِمَن يَرَىٰ

Oo Naarta loo muujiyo qof (waliba) oo arkaya,

79:37
فَأَمَّا مَن طَغَىٰ

Ma qofkii xad gudba.

79:38
وَءَاثَرَ ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا

Oo door bida nolosha adduunkan.

79:39
فَإِنَّ ٱلۡجَحِيمَ هِيَ ٱلۡمَأۡوَىٰ

Hubaal Naarta waa hoygiisa.

79:40
وَأَمَّا مَنۡ خَافَ مَقَامَ رَبِّهِۦ وَنَهَى ٱلنَّفۡسَ عَنِ ٱلۡهَوَىٰ

Qofkiise ka cabsada hor istaagga Rabbigi, oo ka reeba nafta hawa raaca.

79:41
فَإِنَّ ٱلۡجَنَّةَ هِيَ ٱلۡمَأۡوَىٰ

Hubaal Jannada - waa hoygiisa.

79:42
يَسۡـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلسَّاعَةِ أَيَّانَ مُرۡسَىٰهَا

Waxay wax kaa weydiin (Nabiyow) Saacadda (Qiyaame) goortay tahay.

79:43
فِيمَ أَنتَ مِن ذِكۡرَىٰهَآ

Maxaa ku ogeysiiyey waqtigeeda? Waxaad tahay mid ka mid ah calaamadaha soo dhowaanshaheeda.

79:44
إِلَىٰ رَبِّكَ مُنتَهَىٰهَآ

Waa xagga Rabbigaa halkay ku dhammaan (ogaanshaheeda).

79:45
إِنَّمَآ أَنتَ مُنذِرُ مَن يَخۡشَىٰهَا

Waxaad uun tahay (Nabiyow) u dige kuwa ka baqa.

79:46
كَأَنَّهُمۡ يَوۡمَ يَرَوۡنَهَا لَمۡ يَلۡبَثُوٓاْ إِلَّا عَشِيَّةً أَوۡ ضُحَىٰهَا

Maalinta ay arkayaan waxay ahaan sida inaysan ku negaadin (adduunka) waxaan ahayn galab ama barqadeed.

Somali: Abdullah Hassan Yacoub · Quranic Universal Library (qul.tarteel.ai), Somali: Abdullah Hassan Yacoub

Tafsir and word by word in the app