← Quran

Al-Qiyamah القيامة

40 verses · makkah

75:1
لَآ أُقۡسِمُ بِيَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ

Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Maalinta Qiyaamaha.

75:2
وَلَآ أُقۡسِمُ بِٱلنَّفۡسِ ٱللَّوَّامَةِ

Waxaan (kaloo) ku dhaartay nafta is eedda96170>1 (in la idin soo bixin Aakhirada).

75:3
أَيَحۡسَبُ ٱلۡإِنسَٰنُ أَلَّن نَّجۡمَعَ عِظَامَهُۥ

Ma wuxuu aadmigu moodaa inaanaan isu soo kulmineyn lafahiisa?

75:4
بَلَىٰ قَٰدِرِينَ عَلَىٰٓ أَن نُّسَوِّيَ بَنَانَهُۥ

Haayoo, Waxaan karnaa inaan sinno oo sidoodii ka yeelno farahiisa oo dhan.

75:5
بَلۡ يُرِيدُ ٱلۡإِنسَٰنُ لِيَفۡجُرَ أَمَامَهُۥ

Wuxuuse Aadmigu dooni inuu beeniyo waxa ka horreeya (ee sugaya).

75:6
يَسۡـَٔلُ أَيَّانَ يَوۡمُ ٱلۡقِيَٰمَةِ

Wuxuu weydiin: Waa Goorma Maalinta Qiyaamaha?

75:7
فَإِذَا بَرِقَ ٱلۡبَصَرُ

Ee marka araggu argagaxo (taagmo).

75:8
وَخَسَفَ ٱلۡقَمَرُ

Oo dayaxu madoobaado.

75:9
وَجُمِعَ ٱلشَّمۡسُ وَٱلۡقَمَرُ

Oo la kulmiyo qorraxda iyo dayaxa.

75:10
يَقُولُ ٱلۡإِنسَٰنُ يَوۡمَئِذٍ أَيۡنَ ٱلۡمَفَرُّ

Aadmigu wuxuu Maalintaas odhan: Xaggee loo cararaa?

75:11
كـَلَّا لَا وَزَرَ

Mayee! Ma jiro agab (meel la magan galo).

75:12
إِلَىٰ رَبِّكَ يَوۡمَئِذٍ ٱلۡمُسۡتَقَرُّ

Xagga (Alle) Rabbigaa (Keliya) buu ahaan Maalintaa meesha agabka ah.

75:13
يُنَبَّؤُاْ ٱلۡإِنسَٰنُ يَوۡمَئِذِۭ بِمَا قَدَّمَ وَأَخَّرَ

Waxaa looga warrami Aadmiga Maalintaas wuxuu hormarsaday iyo wuxuu dib marsaday.

75:14
بَلِ ٱلۡإِنسَٰنُ عَلَىٰ نَفۡسِهِۦ بَصِيرَةٞ

Balse Aadmigu wuxuu ku marag furi naftiisa Isagaana is og.

75:15
وَلَوۡ أَلۡقَىٰ مَعَاذِيرَهُۥ

Si kasta hadduu u cudurdaarto (wax uma tarto cudur daarasho).

75:16
لَا تُحَرِّكۡ بِهِۦ لِسَانَكَ لِتَعۡجَلَ بِهِۦٓ

Ha ku dhaqaajin (Nabiyow) carrabkaaga (markuu Waxyigu soo degayo) inaad ku degdegto (Qur’aanka akhrintiisa).

75:17
إِنَّ عَلَيۡنَا جَمۡعَهُۥ وَقُرۡءَانَهُۥ

Waa xil Annaga na (saaran) inaan ku kulminno (laabtaada, ku xifdisiinno) oo kuu (sahalno) akhrintiisa (iyo fahankiisa).

75:18
فَإِذَا قَرَأۡنَٰهُ فَٱتَّبِعۡ قُرۡءَانَهُۥ

Ee markaan akhrinno (Jabriil kuu akhriyo) u raarici (maqalka) akhriskiisa.

75:19
ثُمَّ إِنَّ عَلَيۡنَا بَيَانَهُۥ

Kaddib Annaggay na saaran tahay inaan kuu caddeyno (fasirkiisa).

75:20
كـَلَّا بَلۡ تُحِبُّونَ ٱلۡعَاجِلَةَ

Mayee se, waxaad jeceshihiin noloshatan (adduunka) ee durba tageysa.

75:21
وَتَذَرُونَ ٱلۡأٓخِرَةَ

Dayacdaan Aakhirada.

75:22
وُجُوهٞ يَوۡمَئِذٖ نَّاضِرَةٌ

Wejiyo Maalintaas way ifi.

75:23
إِلَىٰ رَبِّهَا نَاظِرَةٞ

Xagga (Alle) Rabbigood iyagoo eegaya;

75:24
وَوُجُوهٞ يَوۡمَئِذِۭ بَاسِرَةٞ

Wejiyo (kale) Maalintaas waxay ahaan kuwo kuduudsan.

75:25
تَظُنُّ أَن يُفۡعَلَ بِهَا فَاقِرَةٞ

Waxay hubtaa in lagu fali balaayo weyn;

75:26
كـَلَّآ إِذَا بَلَغَتِ ٱلتَّرَاقِيَ

Mayee, markay (naftu) soo gaarto mirgiga (waqtiga geerida).

75:27
وَقِيلَ مَنۡۜ رَاقٖ

Oo la yidhaahdo: Yaa ku tufi oo dabiibi?

75:28
وَظَنَّ أَنَّهُ ٱلۡفِرَاقُ

Oo yaqiinsado inay tahay (waqtigii) tagidda (geerida).

75:29
وَٱلۡتَفَّتِ ٱلسَّاقُ بِٱلسَّاقِ

Oo lagu isku maro labada jeeni (kafno).

75:30
إِلَىٰ رَبِّكَ يَوۡمَئِذٍ ٱلۡمَسَاقُ

Waa xagga Rabbigaa Maalintaas halka laysu wadaa.

75:31
فَلَا صَدَّقَ وَلَا صَلَّىٰ

(Gaalkuse) ma rumeyn (Xaqa) mana tukan.

75:32
وَلَٰكِن كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ

Wuuse beeniyey oo jeesaday.

75:33
ثُمَّ ذَهَبَ إِلَىٰٓ أَهۡلِهِۦ يَتَمَطَّىٰٓ

Markaasuu aaday xagga ehelkiisa isagoo u socda si kibir iyo faan leh.

75:34
أَوۡلَىٰ لَكَ فَأَوۡلَىٰ

Dhowaa hooggaagu oo dhowaa.

75:35
ثُمَّ أَوۡلَىٰ لَكَ فَأَوۡلَىٰٓ

Haddana dhowaa hoggaagu oo dhowaa.

75:36
أَيَحۡسَبُ ٱلۡإِنسَٰنُ أَن يُتۡرَكَ سُدًى

Ma wuxuu Aadmigu moodaa in looga tegi bilaash (ujeeddo la'aan)?

75:37
أَلَمۡ يَكُ نُطۡفَةٗ مِّن مَّنِيّٖ يُمۡنَىٰ

Miyuusan aheyn mani-nool oo la dhibciyo?

75:38
ثُمَّ كَانَ عَلَقَةٗ فَخَلَقَ فَسَوَّىٰ

Markaas noqota xinjir oo (Alle) abuuro qaab wanaagsanna u yeelo.

75:39
فَجَعَلَ مِنۡهُ ٱلزَّوۡجَيۡنِ ٱلذَّكَرَ وَٱلۡأُنثَىٰٓ

Oo ka yeelo labo nooc, lab iyo dheddig.

75:40
أَلَيۡسَ ذَٰلِكَ بِقَٰدِرٍ عَلَىٰٓ أَن يُحۡـِۧيَ ٱلۡمَوۡتَىٰ

Miyuusan Kaasi (Alle) awoodin inuu soo nooleeyo maytida? (Haayoo wuu Karaa).

Somali: Abdullah Hassan Yacoub · Quranic Universal Library (qul.tarteel.ai), Somali: Abdullah Hassan Yacoub

Tafsir and word by word in the app