← Quran

Adh-Dhariyat الذاريات

60 verses · makkah

51:1
وَٱلذَّٰرِيَٰتِ ذَرۡوٗا

Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay (dabeylaha) boorka kiciya.

51:2
فَٱلۡحَٰمِلَٰتِ وِقۡرٗا

Iyo (duruuraha) xambaarsan culayska (roobka).

51:3
فَٱلۡجَٰرِيَٰتِ يُسۡرٗا

Iyo doonyaha sida fudud ugu socda (badaha).

51:4
فَٱلۡمُقَسِّمَٰتِ أَمۡرًا

Iyo kuwaa (malaa’igta) ku qaybiya (risiqa, roobka, iwm) Amarkeenna.

51:5
إِنَّمَا تُوعَدُونَ لَصَادِقٞ

(Dadow) waxa la idiinku gooddin (Qiyaamada, Xisaabta) waa run.

51:6
وَإِنَّ ٱلدِّينَ لَوَٰقِعٞ

Abaalmarintuna (jaazeynta Aakhiro) waa la hubaa inay dhaceyso.

51:7
وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلۡحُبُكِ

Waxaan kaloo (waa Alle'e) ku dhaartay samada quruxda iyo waddooyinka leh,

51:8
إِنَّكُمۡ لَفِي قَوۡلٖ مُّخۡتَلِفٖ

Waxaad idinku (dadow) kaga sugan tihiin (Nabiga iyo Qur’aanka) hadal kala duwan .

51:9
يُؤۡفَكُ عَنۡهُ مَنۡ أُفِكَ

Waxaa laga duwaa (Qur’aanka iyo Nabiga) kan isaga iska duwa.

51:10
قُتِلَ ٱلۡخَرَّٰصُونَ

Nacladi ha ku dhacdo beenalayaasha mala awaalka badan.

51:11
ٱلَّذِينَ هُمۡ فِي غَمۡرَةٖ سَاهُونَ

Kuwa ku sugan guluf (colaadeed) ee iyagu maahsan (ka maahsan Aakhirada).

51:12
يَسۡـَٔلُونَ أَيَّانَ يَوۡمُ ٱلدِّينِ

Waxay weydiin: Waa goorma Maalinta Abaal marintu (Jaazeyntu)?

51:13
يَوۡمَ هُمۡ عَلَى ٱلنَّارِ يُفۡتَنُونَ

Waa Maalinta Naarta lagu gubi.

51:14
ذُوقُواْ فِتۡنَتَكُمۡ هَٰذَا ٱلَّذِي كُنتُم بِهِۦ تَسۡتَعۡجِلُونَ

Dhadhamiya cadaabkiinna. Kanu waa waxaad degdegsanayseen.

51:15
إِنَّ ٱلۡمُتَّقِينَ فِي جَنَّٰتٖ وَعُيُونٍ

Kuwa ka dhowrsada xumaha waxay ku sugnaan beero iyo ilo (Janno).

51:16
ءَاخِذِينَ مَآ ءَاتَىٰهُمۡ رَبُّهُمۡۚ إِنَّهُمۡ كَانُواْ قَبۡلَ ذَٰلِكَ مُحۡسِنِينَ

Iyagoo qaadan waxa uu Rabbigood siiyey. Waxay ahaayeen horay sama falayaal.

51:17
كَانُواْ قَلِيلٗا مِّنَ ٱلَّيۡلِ مَا يَهۡجَعُونَ

Waxay seexan jireen habeenkii wax yar ma ahee (macnaha qayb ka mid ah bay u qoondeyn jireen salaatu leyl, cishaha kaddib ama Aakhiru leylka).

51:18
وَبِٱلۡأَسۡحَارِ هُمۡ يَسۡتَغۡفِرُونَ

Waqtiyada suxuurtana way denbi dhaaf weydiisanayeen,

51:19
وَفِيٓ أَمۡوَٰلِهِمۡ حَقّٞ لِّلسَّآئِلِ وَٱلۡمَحۡرُومِ

Maalkooda waxaa ahaa qayb uu ku leeyahay weydiistaha iyo kaan wax heysan.

51:20
وَفِي ٱلۡأَرۡضِ ءَايَٰتٞ لِّلۡمُوقِنِينَ

Dhulka waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa yaqiinsan.

51:21
وَفِيٓ أَنفُسِكُمۡۚ أَفَلَا تُبۡصِرُونَ

Iyo nafahiinnaba, ee miyeydaan arkeyn.

51:22
وَفِي ٱلسَّمَآءِ رِزۡقُكُمۡ وَمَا تُوعَدُونَ

Samada yuuna jiraa risiqiinna iyo waxa la idiin yaboohay.

51:23
فَوَرَبِّ ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِ إِنَّهُۥ لَحَقّٞ مِّثۡلَ مَآ أَنَّكُمۡ تَنطِقُونَ

Rabbiga samada iyo arlada yaan ku dhaarane, soo bixinta (Qiyaame iyo in risiqiinnu jiro samada) Xaq weeye, sidaad u hadashaanba.

51:24
هَلۡ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ضَيۡفِ إِبۡرَٰهِيمَ ٱلۡمُكۡرَمِينَ

Ma ku soo gaaray warka martidii Ibraahiim ee sharafta lahayd?

51:25
إِذۡ دَخَلُواْ عَلَيۡهِ فَقَالُواْ سَلَٰمٗاۖ قَالَ سَلَٰمٞ قَوۡمٞ مُّنكَرُونَ

Markay u soo galeen oo yidhaahdeen: nabad ahow, wuxuu yidhi: nabad ahaada. (waxaad tihiin) qolo aan la garaneyn.

51:26
فَرَاغَ إِلَىٰٓ أَهۡلِهِۦ فَجَآءَ بِعِجۡلٖ سَمِينٖ

Markaasuu u laabtay dhinac xagga reerkiisii oo keenay dibi buuran oo shiilan.

51:27
فَقَرَّبَهُۥٓ إِلَيۡهِمۡ قَالَ أَلَا تَأۡكُلُونَ

Una soo dhoweeyey (isagoo ku leh): Miyeydaan cunayn?

51:28
فَأَوۡجَسَ مِنۡهُمۡ خِيفَةٗۖ قَالُواْ لَا تَخَفۡۖ وَبَشَّرُوهُ بِغُلَٰمٍ عَلِيمٖ

(Waxbase ma ay cunin) markaas baa waxaa ka galay dareen cabsi ah. Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Ha cabsan, waxayna ugu bishaareeyeen wiil aqoon leh (isxaaq).

51:29
فَأَقۡبَلَتِ ٱمۡرَأَتُهُۥ فِي صَرَّةٖ فَصَكَّتۡ وَجۡهَهَا وَقَالَتۡ عَجُوزٌ عَقِيمٞ

Markaasay soo qaabishay marwadiisii iyadoo qaylyi, oo iska dharbaaxday wejiga iyadoo yaabban, oo tidhi: Ma habar ma dhasho ah oo duqowday (yaa wax dhali)!.

51:30
قَالُواْ كَذَٰلِكِ قَالَ رَبُّكِۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡحَكِيمُ ٱلۡعَلِيمُ

Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Sidaasuu yidhi Rabbigaa. Waana Isaga Xakiimka, Wax kasta Ogsoon.

51:31
۞ قَالَ فَمَا خَطۡبُكُمۡ أَيُّهَا ٱلۡمُرۡسَلُونَ

(Ibraahiim) wuxuu yidhi: Muxuu xaalkiin- nu yahay kuwayahow la soo diray?

51:32
قَالُوٓاْ إِنَّآ أُرۡسِلۡنَآ إِلَىٰ قَوۡمٖ مُّجۡرِمِينَ

Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Waxaa naloo soo diray qolo denbiilayaal ah.

51:33
لِنُرۡسِلَ عَلَيۡهِمۡ حِجَارَةٗ مِّن طِينٖ

Si aan ugu soo dirno korkooda dhagaxyo dhoobo kulul ah.

51:34
مُّسَوَّمَةً عِندَ رَبِّكَ لِلۡمُسۡرِفِينَ

Looga soo calaameeyey xagga Rabbigaa xadgudbayaasha.

51:35
فَأَخۡرَجۡنَا مَن كَانَ فِيهَا مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

Markaasaan ka soo bixinnay halkaa wixii ku jiray ee mu’miniin ah.

51:36
فَمَا وَجَدۡنَا فِيهَا غَيۡرَ بَيۡتٖ مِّنَ ٱلۡمُسۡلِمِينَ

Kamase aanu helin gudaheeda (magaaladaa) wax aan aheyn hal guri oo muslimiin ah.

51:37
وَتَرَكۡنَا فِيهَآ ءَايَةٗ لِّلَّذِينَ يَخَافُونَ ٱلۡعَذَابَ ٱلۡأَلِيمَ

Waxaan uga tagnay halkaa (magaalooyinkii Sodom iyo Gammurah ee dadkii Luud) Calaamo kuwa (mu'miniinta) ka cabsada cadaabka xanuunka badan.

51:38
وَفِي مُوسَىٰٓ إِذۡ أَرۡسَلۡنَٰهُ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ بِسُلۡطَٰنٖ مُّبِينٖ

Muuse (calaamad baa ku sugan), markaan u dirnay Fircoon isagoo wata Xujo Cad.

51:39
فَتَوَلَّىٰ بِرُكۡنِهِۦ وَقَالَ سَٰحِرٌ أَوۡ مَجۡنُونٞ

Wuuse jeestay (Fircoon) isagoo ay la jiraan ciidammadiisii oo yidhi:(Kani Muuse) waa saaxir ama jinnoole.

51:40
فَأَخَذۡنَٰهُ وَجُنُودَهُۥ فَنَبَذۡنَٰهُمۡ فِي ٱلۡيَمِّ وَهُوَ مُلِيمٞ

Markaasaan qabannay isaga (Fircoon) iyo askartiisiiba oo xoog ugu tuurnay badda isagoo eedeysan.

51:41
وَفِي عَادٍ إِذۡ أَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمُ ٱلرِّيحَ ٱلۡعَقِيمَ

Reer Caadna (waxaa ku sugan calaamo lagu waano qaato) markaan ku dirnay dabeyl ma dhaleys ah.

51:42
مَا تَذَرُ مِن شَيۡءٍ أَتَتۡ عَلَيۡهِ إِلَّا جَعَلَتۡهُ كَٱلرَّمِيمِ

Wax kama tegin ay ku timid inay ka dhigtay maahee digada oo kale.

51:43
وَفِي ثَمُودَ إِذۡ قِيلَ لَهُمۡ تَمَتَّعُواْ حَتَّىٰ حِينٖ

Reer Thamuudna (calaamaa ku sugan lagu waano qaato), markii lagu yidhi: Raaxeysta in muddo yar ah.

51:44
فَعَتَوۡاْ عَنۡ أَمۡرِ رَبِّهِمۡ فَأَخَذَتۡهُمُ ٱلصَّٰعِقَةُ وَهُمۡ يَنظُرُونَ

Waxayse ka madax adeygeen Amarka Rabbigood, markaasaa waxaa qabtay danab xoog leh iyagoo arkayey.

51:45
فَمَا ٱسۡتَطَٰعُواْ مِن قِيَامٖ وَمَا كَانُواْ مُنتَصِرِينَ

Sidaa darteed waa awoodi waayeen inay soo kacaan, isumana gargaari karin.

51:46
وَقَوۡمَ نُوحٖ مِّن قَبۡلُۖ إِنَّهُمۡ كَانُواْ قَوۡمٗا فَٰسِقِينَ

Qolodii Nuuxna iyaga hortood (waxaa ku sugan calaamo lagu waano qaato), waxay ahaayeen qolo caasiyaal ah.

51:47
وَٱلسَّمَآءَ بَنَيۡنَٰهَا بِأَيۡيْدٖ وَإِنَّا لَمُوسِعُونَ

Samada waxaan ku dhisnay awood Oo waa Annaga (Alle ah) kuwa waasiciya.

51:48
وَٱلۡأَرۡضَ فَرَشۡنَٰهَا فَنِعۡمَ ٱلۡمَٰهِدُونَ

Oo dhulka Waanu gogolnay, Ee fiicanaa diyaariyuhu.

51:49
وَمِن كُلِّ شَيۡءٍ خَلَقۡنَا زَوۡجَيۡنِ لَعَلَّكُمۡ تَذَكَّرُونَ

Wax walbana Waxaan ka abuurnay labo nooc, si aad ugu waano qaadataan.

51:50
فَفِرُّوٓاْ إِلَى ٱللَّهِۖ إِنِّي لَكُم مِّنۡهُ نَذِيرٞ مُّبِينٞ

Ee u carara xagga Alle, waxaan idiin ahay dige cad ka yimid Xaggiisa.

51:51
وَلَا تَجۡعَلُواْ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَۖ إِنِّي لَكُم مِّنۡهُ نَذِيرٞ مُّبِينٞ

Ha u yeelina la jirka Alle Ilaah kale. Waxaan idiin ahay dige cad ka yimid Xaggiisa.

51:52
كَذَٰلِكَ مَآ أَتَى ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِم مِّن رَّسُولٍ إِلَّا قَالُواْ سَاحِرٌ أَوۡ مَجۡنُونٌ

Waa sidaase, ma jiro Rasuul u yimid kuwii iyaga ka horreeyey oo aysan odhan: waa saaxir, ama jinnoole.

51:53
أَتَوَاصَوۡاْ بِهِۦۚ بَلۡ هُمۡ قَوۡمٞ طَاغُونَ

Miyey iskula dardaarmeen arrinkani? Mayee’ waa qolo xadgudub badan.

51:54
فَتَوَلَّ عَنۡهُمۡ فَمَآ أَنتَ بِمَلُومٖ

Ee iskaga jeeso, kaama saarna eede.

51:55
وَذَكِّرۡ فَإِنَّ ٱلذِّكۡرَىٰ تَنفَعُ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

Ee wax waani, waanadu waxay anfici mu’miniinta.

51:56
وَمَا خَلَقۡتُ ٱلۡجِنَّ وَٱلۡإِنسَ إِلَّا لِيَعۡبُدُونِ

Uma aan abuurin jinka iyo insiga waxaan ahayn inay i caabudaan (macnaha Alle Keliya caabudaan iyagoon cidna wax la wadaajin).

51:57
مَآ أُرِيدُ مِنۡهُم مِّن رِّزۡقٖ وَمَآ أُرِيدُ أَن يُطۡعِمُونِ

Kama doonayo wax risiq ah, kamana doonayo inay quudiyaan (uunkayga).

51:58
إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلرَّزَّاقُ ذُو ٱلۡقُوَّةِ ٱلۡمَتِينُ

Hubaal waa Allaah Irsaaqaha, Rabbiga iska leh Awoodda sare, Xoogga Badan.

51:59
فَإِنَّ لِلَّذِينَ ظَلَمُواْ ذَنُوبٗا مِّثۡلَ ذَنُوبِ أَصۡحَٰبِهِمۡ فَلَا يَسۡتَعۡجِلُونِ

Kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo xumaha kale) waxaa u sugnaaday saami (Cadaab ah)la mid ah saamigii asxaabtood, ee waxba yey dalbin in aan u soo dedejiyo (cadaabka).

51:60
فَوَيۡلٞ لِّلَّذِينَ كَفَرُواْ مِن يَوۡمِهِمُ ٱلَّذِي يُوعَدُونَ

Hoog waxaa leh kuwa gaalooba, kaasoo ku iman Maalinkoodaasi loogu gooddiyey (Maalinta Qiyaamaha).

Somali: Abdullah Hassan Yacoub · Quranic Universal Library (qul.tarteel.ai), Somali: Abdullah Hassan Yacoub

Tafsir and word by word in the app